Ina Jicimbir: Jawaab ku socota Dr. Beileh
Waa jiifto ku socota Dr. Abdirahman Beileh oo ku saabsan heestii uu ku magcaabay: Heestii Komeesa iyo Ina Jicimbir
The following poem (Jiifto) is a response to Dr. Abdirahman Beileh’s poem titled: Heestii Komeesa iyo Ina Jicimbir, posted on wardheernews sometime last week. Dr. Beileh reports on ?The Common Market for East and Southern Africa---Komeesa? took place in Victoria Falls, Zimbawi on June 2009. Dr. Beileh laments the absence of a Somali state (Ina Jicimbir) from these meetings and how the Somalis neglected their obligation to their country and the general welfare of the Somali people, while wasting their precious time on clan politics.
In support of Dr. Beileh’s poem, this poem also expresses the author’s frustration and disappointment with Somalis. The Somalis are busy mechanizing the destruction of the Somali state and sabotaging each other in the name of clan; while other African countries are discussing ways to collaborate and coordinate efforts to improve the lives of their people in their respective countries.
Hadaan Ina Jicimbir Ahay Jawaabaan Kuu Wadaa
--------------------------------------------
Jagida meel adag u dhacay
Jidhkii nool baa damqada
Miyaan anu jixinjixaa
Qalbigu jalow ima yidhaah
Jabkayga ma sheegi karo
Jacaylka dadkaaga iyo
Jibaadkaagaan maqlaa
Dhagtayduba jalaq ma laha
Jiidhkani ku dhaqaaqay iyo
Jidhiidhica kugu kacdiyo
Jabkiyo hoogani ku helay
Hadaan kuu jawaabi laa
Jiiftadu faham bay rabtaa
Jacayl qaran bay rabtaa
Dhamaan ilma jicimbiroo
Jid wada raacay rabtaa
Ujeedada ruux gartaa
Jagaaftuu guran lahaa
Jidkuu kula mari lahaa
Agtaaduu joogsan laa
Jagada reer hebal ku shiray
Codkiisuu jeedsan laa
Sidaad jiiftada ku tidhi
Adaa u jihayn lahaa
Waxuu janto sheegi laa
Dadkaaba u joogsan laa
Jabkani reer jicimbir helay
Jadwalkaa lagu dari lahaa
Joogbuu wax u taban lahaa
Kursiguu soo jiidan laa
Jimcaha markay tahay aroor
Jarsare arrin lagu furfuro
Jiridda hoosteed la tago
La jeexdee jilib la dhigo
Jawaab loo heli lahaa
Jid dheeroo la ii dhisiyo
Jawaan lacagoo ka maqan
Wixii qayrkii jilmadey
Jeebkiisaa buuxilaa
Janada dad la qaybsan laa
Jalbuu soo heli lahaa
Juucaan kaga hadhi lahaa
Jidhiftu kaga duuli layd
Jabkiise wuxuu ka dhacay
Jaalloow kuma aamisani
Waxbuu jeebkiisa galin
Jidiinkiisuu wax marin
Tolkiibuu jimidh u xadi
Jinbaa been I widhwidhin
Jidkii shalay aan ka lumay
Jarkani dheereen ka dhacay
Ka joog maqal bay lahayd
Dadkaan isku jiidh ahayn
Jees wada yaal aan ahayn
Jinsiyad mida wada ahayn
Jamaad wada maali jiray
Jamaal-qurux waxan lahaa
Janooy gabadh jalaqsan dhalay
Jidkay wad daadsanyiin
Jalbaab ku maleegan yiin
Jidhkooda la iibsadaa
Maydkooda la jiidayaa
Afkiibaa juuqda gabay
Aduunkii I wada jeclaa
Dhamaan jeeniga ku rogay
Jinbaa I wada lama garta ah
Jaarkaygii gawrac idhi
Jikaar hadalkaygu noqoy
Dhamaan ilma Jicimbir iyo
Walaalkay Jaamac iyo
Saxiibkaygaan jeclaa
Agtooda ma joogi karo
Tolkay jees-jees u dege
Kalaam jabaq nama dhex maro
Wanaag jaho la isla waa
Socdaal jaqaftaan hayaa
Jid ii daran baan socdaa
Abeesadu igu jaqdaa
Axmaar jaajuus u ihi
Jabkay Nairobi degay
Jigjiga bari baan ka maray
Jabtooy Eritrea iyo
Sudan jidad lagu baqtiyey
Jahligu Yaman igula orod
Nin jabay ii caga juglee
Jabuutiyo tagay Asmara
Jufiyo waran la igu carri
Jabkii helay reer Ciraaq
Shabaab jeel la iigu ood
Jilbiyo gacmahaba I jare
Jinbaa sirta ii akhriya
Janada inan galo ma rabo
Jidkeeda maxaan u marin
Hadaan jilibkay dageyn
Qabiilkay janan ka noqon
Janadu ani ii xidhnayn
Jikaar iyo moran la hayn
Jareekaan cawlan iyo
Jawaan garowoo la xado
Jujuub noloshoon dad dhaco
Jiqiiqda caruurta iyo
Ku joogsiga maydka iyo
Jeebkiisoon baadha iyo
Jaallaha jiifee jajabay
Haduu juuq ii yidhaah
Jufada AK-ga iyo
Jaf aan eebada u darin
Jalkiisa ka hoos xadayn
Maxaa janno lagu hayaa
Inaa soo joogso iyo
Cabdow jiif la iga helo
Dhagbaan jabaq ii furayn
Janada nin sua’l ka qaba
Jahligu warankiisa yahay
Jeebkiisa u xoogsadaa
Jacayl qaran muxuu u yahay
Jiiftadan maba garan karaa
Jis iyo xubin baa I maqan
Jabkii reer jicimber helay
Sagaal jees bay noqdeen
Jar-jare calankaad jeclayd
Jallaafaa lagu badalay
Jabkood bay ku faanayaan
Jagiyo madax bay rabaan
dhamaan jeebkaa u daran
Jaadkay kala boobayaan
Jalxumo wada yuuraraan
Jalaabi ku maran yihiin
Jeeniga wada laaban yiin
Qabiil ku jibaadayaan
Jinbaa u akhriya Quraan
Jikaar waxay kugu marshaan
Janada inay soo arkeen
Tolkood jaajuus ka yahay
Jaadkuna joogta u yimaad
Jawaabaan kuu wadaa
Cabdow joogsoo bal maqal
Jidkii ina koofi maray
Halkuu jeexdaan socdaa
Jufada warankee I sudhan
Jiidhkayguba ima damqado
Jinbaa shalay ii waramay
Janadu danba iima aha
Cadaabtaa jiif macaan
Jidkeedii waan hayaa
Jikaar badan ha ila galin
Jacayl qaran ima hayee
Soo jeedi hadaad is tidi
Jinbaan ku faroor xidhnee
Ma joogee ha igu jabin
Jiifkaaga ha iiga kicin
By Ali Bahar